In ka badan kala bar maxaabiista dalka oo laga tallaalay COVID19

0
342

Dowladda ayaa sheegtay in ilaa iyo hadda tallaalka ka dhanka ah cudurka COVID19 la siiyay ugu yaraan boqolkiiba 50 ee maxaabiista ku jiro xabsiyada wadanka.
Maalmo ka hor ayay ahayd markii barnaamijkan la daahfuray si maxaabiista looga badbaadiyo inay is qaadsiiyaan caabuqa corona.
Agaasimaha barnaamijyada guddiga caalamiga ee laanqayrta cas Dominik Stillhart ayaa sheegay inay barnaamijkan garab ku siinayaan dowladda.
Waxaa uu qorshuhu yahay in ugu dambeyn 20-ka bishan cudurka laga tallaalo ilaa 10 milyan oo kenyaan ah.