Hoggaamiyaasha ururrada macallimiinta dalka oo laga dalbaday inay is casilaan

0
362

Qaar ka mid ah xubnaha ururrada barayaasha wadanka ee KNUT iyo KUPPET ayaa mas’uuliyiinta hoggaamiya dalladahan ka dalbaday inay xafiisyada banneeyaan .
Koox ka mid ah macallimiinta oo ay afhayeen u tahay Martha Omollo ayaa sheegaya in madaxda sare ee KUPPET ay ku fashilmeen inay u ololeeyaan danaha barayaasha.
Waxay ku doodayaan in aan laga soo horjeedsan barnaamijka horumarinta tayada macallimiinta ee (TPD) oo ay sheegayaan in qarashaad uga baxayo.
Madaxda KNUT iyo KUPPET ayaa dhanka kale lagu dhaliilay inay heshiis la saxiixdeen guddiga adeegga macallimiinta ee TSC iyadoo aan lagu saleyn rabitaanka barayaasha.
Sidoo kale kooxda dalabaadka soo saartay ayaa sheegaysa in KUPPET ay weli hoggaamiyaan siyaasiyiin iyo macallimiin horay howlgab u noqday.
Hasa ahaate waxaa tani beeniyay xoghayaha guud ee ururkan Akelo Misori oo sheegay in da’da kama dambeyska ah ee ay ku shaqeyn karaan ay tahay 65 sano taasoo ilaa iyo hadda uunan jirin mas’uul gaaray.
Xoghayaha guud ee ururka qaran ee macallimiinta ee KNUT Collins Oyuu ayaa dhankiisa lagu eedeyay inuusan dastuurka u hoggaansamin in kastoo uunan weli dhaliishan qiran ama iska fogeyn.