Hoggaamiyha xisbiga ODM Raila Odinga ayaa sheegay inaysan wax dhib ahayn in lacago lagu keydsado akoontiyada waddamada kale, mar haddii uunan dhaqalahaasi ahayn kuwa la lunsaday.
Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka ayaa difaacay madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta iyo qoyskiisa kuwaas oo la sheegay inay balaayin shillin ugu keydsan tahay akoontiyo dibadda ku yaalla iyadoo loo marayo 13 shirkadood.
Raila Odinga ayaa ku baaqay in la dejiyo xiisadda la xariirta arrinkan, isagoo xusay in madaxweynaha uu caddeeyay inuu eedeynta taabaneysa qoyskiisa uu si faahfaahsan uga hadli doono marka uu ka soo laabto safarkiisa Maraykanka.
Dhawaan ayay ahayd markii madaxweynaha dalka uu sheegay inuu soo dhaweeynaya waraaqaha baaritaanada ee loo yaqaano Pandora ee shaaca looga qaado hantida qarsoon ee lagu keydsaday akoontiyada wadamada kale.
Dhanka kale madaxa xisbiga ODM ayaa shaaca ka qaaday in uusan akooontiyo ku lahayn meel ka baxsan dalka.
Waxaa uu xusay in hantida uu haysto ay dhammaan taallo Kenya.