Warbixin laga soo saaray baaritaan madax bannaan ayaa tilmaamaysa in 3000 oo ka mid ah madaxda kaniisadda Katholigga ee dalka Faransiiska ay tacaddi galmo u gaysteen 216,0000 carruur ah.
Dhacdooyinkan ayaa dhacay laga soo billaabo sanadkii 1950-kii waxayna warbixintu muujinaysa in tobaneeyo sano aan shaaca laga qaadin.
Madaxa guddiga baaritaanka sameeyay Jean-Marc Sauve ayaa sheegay in xadgudubka si joogto ah loo gaysanayay balse uu qarsoonaa.
Boqolkiiba 80 ee carruurta la sheegay in la faraxumeeyay ayaa wiilal ah.