Hoggaamiyaasha diimaha ee dalka waxaa ay dowladda ugu baaqeen inay u ogolaato gargaarka bina’aadanimo ee la gaarsiinayo kumanaan kun qof oo ka mid ah dadka ku nool degmada Kapedo ee bariga ismaamulka Turkana..
Bishii la soo dhaafay ayay ahayd markii ay dowladda ku dhawaaqday Kapedo inay tahay aag amaankeeda aad loo adkeeyay si loo xakameeyo amni darrada ka jirta halkaasi.
Waddooyinka soo galo deegaankaasi ayaa waxaa xiray saraakiisha ammaanka iyadoo howlgal dhanka amniga ah oo Kapedo looga sifeynaya burcadda uu socdo.
Madaxda diimaha ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in aagga laga dhigay meel aan la geli karin haddana dadka deegaanka ay macluul u dhimanayaan.
Waxaa ay intaa ku dareen in aaggaasi ay ka jirto cuno yari, biyo la’aan iyo daawo la’aan iyagoo dhanka kale cambaareeyay falalka burcadda ee isugu jiro dilalka iyo dhaca xoolaha.
Guddoomiyaha madaxda diimaha ee ismaamulka Pokot Ronald Chumum ayaa sheegay in ay jirto xadgudub ka dhan ah xuquuqul insaanka oo lagu gaysanaya howlgalka socdo Kapedo.
Waxaa u dowlada ku dhaliilay dilalka sharciga ka baxsan, isaga oo sheegay in ay xanuun badan tahay in lix xirfadlayaal ah la dilo.
Waxaa uu ugu baaqay dowladda in ay joojiso adeegsiga awoodda xad dhaafka ah isla markaana ay adeegsato wadahadal nabadeed si nabadda loogu soo ceeliyo deegaankaasi.
Horaantii bishii hore ayay ahayd markii weerar laga gaystay degmada Kapedo ee bariga ismaamulka Turkana.
Weerarka oo lala eegtay qaar ka mid ah saraakiisha ammaanka oo ku sugnaa aagga loo yaqaano Emadau Temako ayaa waxaa ku dhintay agaasime ku xigeenka howlgallada ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee GSU-da halka labo sarkaal oo kale ay dhaawacmeen iyo sidoo kale la dilay shaksiyaad kale.
Home Wararka Kenya Dowladda oo loogu baaqay in ay ogolaato gaargaar bani’aadanimo oo la gaarsiinayo...