Wasaaradda caafimaadka ee dalka ayaa maanta shaacisay in 24-kii saacadood ee ugu dambeeyay ay diiwaangelisay xaalado cusub oo ah kuwa cudurka COVID19 oo gaaraya 91.
Tani ayaa timid kadib markii cudur sidaha corona laga baaray dheecaan dhan 3,435 .
Tirada guud ee kiisaska cudurka ee ilaa iyo hadda laga xaqiijiyay gudaha dalka ayaa ah 250,114 .
Xaaladaha maanta la sheegay dadka laga helay 88 ka mid ah waa kenyaan halka 3 ay ajaaniib yihiin.
Dhanka jinsiyadda waxay isugu jiraan 50 rag iyo 41 dumar ah oo ay da’doodu u dhexeyso saddex sano ilaa 96 sano jir.
Kiisaska cusub ayaa laga kala xaqiijiyay ismaamullada Nairobi 29, Nakuru 10, Uasin Gishu 6, Meru 5 ,Kericho 4, Kiambu 4, Garissa 3, Kajiado 3, Kakamega 3, Laikipia 2, Bomet 2, Busia 2, Nyeri 2, Kitui 2, Embu 2, Machakos 2, Murang’a 2, Nandi 1, Narok 1, Siaya 1, Isiolo 1, Taita Taveta 1, Makueni 1, Migori 1 iyo Mombasa 1.
Waxaa weli cudurka COVID19 qabo oo isbitaallada dalka ku jira 918 bukaan iyadoo 1,994 kale lagu daryeelaya guriyaha.
Qaybaha daryeelka degdegga ee loo yaqaano ICU-da waxaa lagu daweeynayaa 56 bukaan.
Sidoo kale waxaa xanuunka ka caafimaaday 308 bukaan oo dheeraad ah tani oo bogsashada guud ka dhigaysa 242,535.
Wasaaradda caafimaadka ayaa sheegtay in 9 qof oo kale ay u dhinteen xanuunka waxayna dhimashada guud ee ka dhalatay COVID19 hadda tahay 5,140.
Hasa ahaate dhimashooyinkan ayaa ah kuwo xilli dambe la soo sheegay ka dib dabagal dheeraad ah oo la sameeyay.
Sidoo kale ilaa shalay waxay wasaaraddu bixisay 3,874,083 oo ah dawooyinka tallaalka ee ka dhanka ah cudurka COVID19.
Ilaa iyo hadda waxaa caabuqa corona gudaha Kenya looga tallaalay boqolkiiba 3.4% ee dadka waawayn.
Dhanka kale Waxaa maanta dalka la soo gaarsiiyay mid ka mid ah qaybaha ugu dambeeya ee tallaalka Pfizer ee ka dhanka ah cudurka COVID19.
Qoraal ay wasaaradda caafimaadka soo dhigtay barteeda rasmiga ee Twitter-ka ayaa lagu sheegay in diyaaradda laga leeyahay dalka isu tagga imaaraadka carabta ee Emirates airline ay sidday daawooyinkan.
Tani ayaa tirada daawooyinka ee ay ku deeqday dowladda Maraykanka ka dhigaysa 2.2 milyan.
Shalay abaare 1:30 duhurnimo ayay ahayd markii Kenya la soo gaarsiiyay daawooyin kale oo ah nooca tallaalka ee Pfizer waxaana loo sii gudbiyay keydka xaafadda Kitengela ee ismaamulka Kajiado.
Wasaaradda caafimaadka ayaa sheegtay in ay daawooyin dheeraad ah sugayso maanta halka shixnadda ugu dambeysa berri la keeni doono.