Madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto ayaa maanta tagay ismaamulka Kisii isagoo xoojinaya ololihiisa siyaasadeed ee sanadka 2022-ka.
Ruto ayaa wax lagu qoslo ku tilmaamay taageerada ay qaar ka mid ah siyaasiyiinta iyo ganacsatada gobolka bartamaha dalka u muujiyeen madaxa xisbiga ODM Raila Odinga.
Sidoo kale waxaa uu madaxda kaniisadaha ka codsaday inay soo dhaweyaan oo ay fursad siiyaan siyaasiyiinta.
Hasa ahaate hoggaamiyaasha siyaasadeed ayuu ku boorriyay in si aan habboonayn aynan u adeegsan soo dhaweynta loo sameeyo.
Tani ayaa imaanaysa ka dib markii qaar ka mid ah kaniisadaha dalka ay siyaasiyiinta ka mamnuuceen inay hadallo ka jeediyaan goobahooda.
Shalay ayay ahayd markii uu madaxweyne ku xigeenka dalka sheegay in qorshihii sharci beddelka ee BBI uu ahaa sida uu hadalka u dhigay geeddisocod lagu khiyaanayay dadweynaha.
Dhanka kale madaxa xisbiga Wiper Kalonzo Musyoka ayaa hoggaamiyaasha kaniisadaha ku ammaanay go’aanka ay ka qaateen siyaasiyiinta.
Sidoo kale waxaa uu walaac ka muujiyay qiimaha adeegga korontada ee dalka oo uu sheegay inuu aad u sarreeyo marka loo barbardhigo wadamada kale ee qaaradda Afrika.