Eedeysanayaal haystay hub oo gacanta lagu dhigay ismaamulka Isiolo

0
598

Booliska deegaanka Garbatulla ee ismaamulka Isiolo ayaa gacanta ku dhigay labo eedeysane oo lagu helay inay haysteen afar qori iyo 203 rasaas ah.
Waxaa labada eedeysane magacyadooda lagu sheegay Cabdi Guyo oo 35 jir ah iyo Aamina Maxamad oo 30 sano jir ah.
Waxaa gelinkii dambe ee shalay laga soo qabtay duleedka magaalada Kinna ka dib markii laamaha ammaanka ay xog ka heleen dadka deegaanka.
Bayaan ee waaxda dambi baarista dalka ee DCI-da soo saartay ayaa lagu sheegay in saraakiisha ay soo heleen saddex qori nooca AK-47 ah, hal qori Mark4 ah iyo 203 xabo oo rasaas ah.
Waxaa ay sidoo kale saraakiisha waaxda DCI-da soo heleen 6 jawaan oo ay ku jireen maandooriyaha nooca loo yaqaano xashiishka iyo laba mooto oo aan laheyn taariko.
Waxaa lagu wada in labada eedeysane maxkamad lasoo taago maalmaha soo socda.