Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya Wasiirka waxbarashada oo magacaabid sameeyay

Wasiirka waxbarashada oo magacaabid sameeyay

Wasiirka wasaaradda tacliinta ee dalka Prof. George Magoha ayaa Agnes Wahome u magacaabay madaxa waaxda qaabilsan nidaaminta qaabka ay ardayda ugu biiraan jaamacadaha iyo machadyada wadanka ee loo yaqaano (KUCCPS).
Tani ayaa timid ka dib markii guddiga maamulo waaxdan uu bishii hore sameeyay geeddisocod shaqaaleysiin oo si weyn loogu tartamay.
Mrs. Wahome ayaa si ku meel gaar ah u ahayd madaxa fulinta ee (KUCCPS) laga soo billaabo bishii 11-aad ee sanadkii hore xilligaas oo uu howlgab noqday John Muraguri oo jagadaas hayay.
Haweeneydan ayaa waaxda hadda loo xilsaaray in ay hoggaamiso ku soo biirtay sanadkii 2018-kii xilligaas oo ay qaabilsanayd maareynta howlaha tacliinta iyo cilmi baarista.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments