IEBC oo hal bil gudaheeda ku diiwaangelinaysa 4 milyan oo codbixiyayaal ah

0
510

Guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduuddada dalka ee (IEBC) ayaa la filayaa inuu maalinka Isniinta daahfuro barnaamij lagu diiwaangelinayo 4 milyan oo codbixiyayaal cusub ah.
Diiwaangelinta oo soconaysa muddo bil ah kuna eg 2-da bisha 11-aad ee sanadkan ayaa lagu daahfurayaa ismaamulka Nakuru.
Howshan ayaa laga sameynayaa 1,450 ah deegaanada hoose ee 47-da ismaamul ee wadanka.
IEBC ayaa sheegtay in dadka ka faa’iidaysanaya ay yihiin kuwa ay da’doodu wixii ka dambeeyay doorashadii 2017-kii gaartay 18 sano sidoo kalena helay aqoonsiga qaran.
Guddiga ayaa warbixinta uu u gudbiyay baarlamaanka ku sheegay in bishii shanaad ee sanadkan tirada codbixiyayaasha diiwaangashan ay ahayd 19.6 milyan oo qof.
Dhanka kale guddiga ayaa sheegay in qurba joogta dalka uu diiwaangelin doono bisha 12-aad.
Wadamada laga sameynaya diiwaangelinta qurba joogta kenyaanka ah waxaa ka mid ah Suudaanta Koonfureed, Maraykanka , Ingiriiska , Canada, Qatar, Uganda, Rwanda, Tanzania, Koonfur Afrika , Burundi iyo dalka isku tagga imaaraadka carabta ka dib markii la ogaaday in mid kasta oo ka mid ah ay ku noolyihiin ilaa 3,000 oo qof oo dalka u dhashay.