Dowladda dhexe ayaa shacabka ku boorrisay inay soo gudbiyaan warbixinnada la xiriira xadgudubyada loo gaysto carruurta iyagoo adeegsanaya nambarka ah 116.
Waaxyaha qaabilsan daryeelka carruurta ayaa dhanka kale loo soo jeediyay inay si dhow u wada shaqeyaan si loo badbaadiyo ubadka wajahaya caqabado uga yimaada bulshada.
Guddoomiyaha dowladda dhexe ee ismaamulka Nairobi Flora Mworoa ayaa sheegtay inay lagama maarmaan tahay xaqiijinta xuquuqda carruurta.
Waxay intaasi ku dartay in waaxyaha arrinkan loo igmaday laga doonayo inay iskaashi hoose la yeeshaan wasaaradaha caafimaadka , badbaadinta bulshada , waxbarashada iyo booliska si loo samata bixiyo carruur badan oo dhibaatooyin loo gaysanaya.
Mrs. Flora ayaa soo jeedisay in waaxyahan ay la yimaadaan qorsho dhameystiran oo ay ku shaqeyn karaan iyagoo is kaashanaya.