Taliyayaal sheegaya inaysan ku talin in ciidamada Maraykanka laga saaro Afghanistan

0
397

Labo ka mid ah taliyayaasha ciidamada Maraykanka ayaa sheegaya in ay madaxweynaha dalkaasi Joe Biden kula taliyeen inuu gudaha wadanka Afghanistan ku reebo ilaa 2,500 oo askari oo uunan dhammaan ciidamadiisa militari halkaasi kala bixin.
General Mark Milley iyo General Kenneth McKenzie ayaa dhanka kale walaac ka muujiyay in kooxda Taalibaan ee bishii hore la wareegtay hoggaanka Afghanistan aynan weli xiriirka u jarin Al-Qaacidda.
Labadan sarkaal ayaa intaa ku daray in maamulka Biden uunan qaadan taladii ay u jeediyeen.
Bishii Afaraad ee sanadkan ayay ahayd markii uu hoggaamiyaha Maraykanka amray in ugu dambeyn 31-da bisha siddeedaad dhammaan ciidamadiisa ay ka baxaan dalka Afghanistan muddo 20 sano ka dib taasoo ugu dambeyn laga dhabeeyay.