Ugu yaraan 40 boqolkiiba dadka ku nool deegaanka Mwea oo laga tallaalayo cudurka Covid19

0
571

Barasaabka ismaamulka Kirinyaga Anne Waiguru ayaa billowday dardargelinta tallaalka COVID-19 oo lagu bartilmaameedsanaya dadka ku nool deegaanka Mwea ee dowald deegaankaasi ka hor dabaal degga maalinka halyeeyada ee Mashujaa Day ee ku beegan 20-ka bisha soo socoto.
Waxaa ay sheegtay in tallaalka cudurka Covid19 lagu bartilmaameedsanayo 30 ilaa 40 boqolkiiba dadweynaha ku nool Mwea.
Ms. Waiguru ayaa sheegtay in ololahan uu ka dhici doono afar goobood oo cusub islamarkaana uu soconaya muddo 10 cisho ah laga billaabo 2 -da bisha Oktoobar, iyadoona wajiga labaad uu billaabanaya 4 -ta ilaa 8 -da isla bishaas ee sanadkan.
Waxaa ay dhanka kale xustay in ilaa iyo hadda dad gaaraya 67,627 oo ka mid dadka ku nool ismaamulka Kirinayaga ay qaateen tallaalka ka dhanka ah cudurka Covid19.
Waxaa ay tilmaantay in tirada dadka doonaya in la tallaalo ay korortay, taas oo ay u aaneysay in la waday olole wacyigelin oo ku aaddan qaadasahda tallaalka cudurka Covid19 ee ismaamulkaasi.
Guddoomiyaha ismaamulka Kirinyaga ayaa carrabka ku dhufatay si loo daboolo baahida tallaalka uu maamulkeeda ka codsaday wasaaradda caafimaadka ee dalka inay siiso dowlad deegaankaasi ugu yaraan 100,000 oo tallaal.