Waaxda saadaasha hawada ee dalka ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegtay in bishan labaad qaybo badan oo dalka ka mid ah la rajeynayo in aynan roobab ka di’in .
Waxay hoosta ka xarriiqday in Febraayo ay noqon doonto bil cimillada deegaano badan ay tahay mid kulul oo ay qorrax jirto.
Waaxda ayaa beeralayda ku nool meelaha abuurka ku fiican ku boorrisay in ay xaaladdan ka faa’iidaystaan.
Agaasimaha waaxda saadaasha hawada ee dalka Stella Aura, ayaa sheegtay in la filayo in roobab aan badneyn ay ka da’aan bartamaha dalka iyo buuralayda Rift Valley.
Hasa ahaate waxay waaxdu ka digtay inuu hoos u dhac ku imaan karo daaqa xoolaha iyo biyaha.