Wasaaradda caafimaadka ee dalka ayaa sheegtay in 24-kii saacadood ee la soo dhaafay uu gudaha wadanka cudurka COVID-19 ku haleelay 54 qof oo dheeraad ah.
Natiijadan ayaa lagu dhawaaqay ka dib markii cudur sidaha corona laga baaray dheecaan gaaraya 2,501.
Xaaladaha cusub ee maanta waxaa laga xaqiijiyay 17 ka mid ah ismaamullada dalka oo ay ugu badan tahay Nairobi oo laga helay 22 kiis oo hor leh.
Dadka ugu dambeeyay ee laga helay cudurka marka laga reebo labo, inta kale waa muwaadiniinta dalka.
Dhanka jinsiyadda waxay isugu jiraan 30 haween iyo 24 rag oo ay da’doodu u dhexeyso 2 sano ilaa 93 sano jir.
Tirada guud ee xaaladaha cudurka ee Kenya ayaa hadda ah 248,515.
Waxaa xanuunka ka caafimaaday 437 bukaan oo dheeraad ah tani oo bogsashada guud ee COVID-19 ee Kenya ka dhigaysa 240,672.
Sidoo kale waxay wasaaraddu diiwaangelisay toddobo kiis oo dhimasho ah waxayna tirada guud ee ilaa iyo hadda gudaha wadanka ugu dhintay caabuqa corona tahay 5,109.
Qaybaha daryeelka degdegga ee loo yaqaano ICU-da waxaa weli ku jiro oo corona qabo 73 bukaan .
Wasiirka caafimaadka ee dalka Mutahi Kagwe ayaa sheegay in Kenya ay ku sii dhowdahay in si buuxda dib loogu furo dhaqaalaha maadaama y xaaladaha maalinlaha ee cudurka hoos u dhaceen.
Waxaa uu sidoo kale isbeddelka jira ee dhanka kiisaska u aaneeyay tallaalka guud ee socdo.
Wasiika ayaa xusay in wasaaradda caafimaadka ay qorsheynayso in ugu dambeyn 20-ka bisha Tobnaad ee sanadkan tallaalka ka dhanka ah cudurka COVID-19 la siiyo 5.8 milyan oo qof xilligaasi oo loo dabaal degi doono maalinka halyeeyada ee Mashujaa Day.
Mr. Mutahi Kagwe , wasiirka caafimaadka ee Kenya ayaa sheegay in ugu yaraan boqolkiiba 98 ee bukaanka ku jiro isbitaallada ee qabo xanuunka ay yihiin kuwa aan qaadan daawooyinka tallaalka.
Si guud ilaa iyo hadda daawooyinka tallaalka COVID-19 ee ay wasaaraddu bixisay guud ahaan dalka ayaa ah 3,627,280 tani oo u dhiganta boqolkiiba 3.3.