DHAGEYSO:Shacabka Garissa oo lagu boorriyay qaadashada tallaalka COVID19

0
347

Sarkaalka sare ee waaxda caafimaadka ismaamulka Garissa Xasan Canshuur ayaa dadweynaha ugu baaqay inay qaataan daawooyinka tallaalka ee ka dhanka ah cudurka COVID19 si ay uga badbaadaan khatarta caabuqa.

Tani ayaa imaanaysa iyadoo wasaaradda caafimaadka ee dalka ay tirada dadka ee qaatay tallaalka COVID19 laga soo billaabo xilligii la daahfuray ilaa 25-kii bishan oo shalay ku beegnayd ku sheegtay 3,613,357 .