Wasaaradda caafimaadka ee dalka ayaa walaac ka muujisay in dadka ku nool ismaamullada Marsabit, Wajeer, Garisa, Turkana iyo Mandera aynan si wayn ugu soo bixin qaadashada tallaalka cudurka COVID19.
Wasaaradda ayaa warbixin ay shalay soo saartay ku sheegtay in tirada dadka waawayn ee lagu tallaalay ismaamullada Marsabit, Wajeer iyo Garissa ay kala tahay boqolkiiba 1.2 ,1.4 iyo 1.7
Dowlad deegaanada Turkana iyo Mandera , tiradan ayaa lagu sheegay boqolkiiba 1.8 halka galbeedka Pokot ay tahay 2.6 boqolkiiba.
Ismaamullada kale ee aan ku guulaysan halbeegga qaran ee tallaalka waxaa ka mid ah Kilifi ,Kwale ,Narok iyo Tana River .
Waxay wasaaradda caafimaadka ee dowladda dhexe sheegtay in 37 ka mid ah ismaamullada dalka lagu tallaalay in ka badan isku celcelis ahaan tiradii la qorsheeyay waxaana ka mid ah Nairobi, Nyeri , Kiambu, Laikipia , Nyandarua, Kirinyaga , Taita Taveta , Uasin Gishu, Embu, Kisumu, Murang’a , Nakuru, Kajiado , Mombasa, Machakos , Makueni, Nyamira, Tharaka Nithi, Trans Nzoia, Siaya ,Meru ,Lamu,Bungoma, Kakamega ,Baringo ,Migori ,Homa Bay ,Samburu ,Busia ,Bomet ,Isiolo iyo Kisii
5-tii bishii saddexaad ee sanadkan ayay ahayd markii ay Kenya billowday ololaha qaran ee tallaalka ka dhanka ah cudurka COVID19.