Madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto ayaa ugu yeeray madaxweyne Uhuru Kenyatta iyo hoggaamiyaha xisbiga ODM Raila Odinga inay taageeraan hammigiiisa siyaasadeed ee xilka madaxtinimada ee wadanka ee sanadka dambe 2022-ka.
Waxaa uu sheegay xilligii uu ahaa hoggaamiye ku xigeenka ODM inuu taageeray Raila doorashadii sanadkii 2007-dii kuna riixay inuu noqdo ra’iisul wasaare.
Waxaa uu sidoo kale sheegay inuu taageeray Uhuru laba jeer kuna guulaystay doorashada asaga oo adeegsanaya xisbiga Jubilee.
Hadalkan ayuu ka jeediyay maagalada Awendo shalay ka dib markii uu martiqaad ka helay guddoomiyaha Ismaamulka Migori Okoth Obado Iyo siyaasiyihiin kale.