Madaxweynaha dalka oo sheegay in Afrika ay u baahan tahay maalgashi

0
418

Madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta ayaa sheegay in wadamada ku yaalla qaaradda Afrika ay in deeq la siiyo uga sii baahi badan yihiin maalgashi laga sameeyo.
Waxaa uu dalalka kale ee caalamka u soo jeediyay inay fahmaan in qaaraddu ay tahay mid ku wanaagsan dhanka maalgashiga.
Mr. Kenyatta ayaa xusay inay lagama maarmaan tahay in la sameeyo isbeddelo sare u qaadaya barnaamijyada maalgashiga iyo isticmaalka tiknolojiyadda.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in Afrika ay ku nool yihiin dhallinyaro badan oo leh xirfado ay ugu faa’iidayn karaan dunida.