Barasaabka Kirinyaga oo shacabka ugu baaqday in aan lagu kala qaybin doodda BBI

0
356

Guddoomiyaha ismaamulka Kirinyaga ee gobolka bartamaha dalka Anne Waiguru ayaa kenyaanka ku boorrisay inaynan oggolaan kala qaybsanaan salka ku haysa doodaha sharci beddelka ee BBI
Waiguru ayaa carrabka ku adkeysay in dadweynaha laga doonaya in arrin kasta oo taagan ay ka dhex eegaan danahooda.
Waxay dhanka kale hoosta ka xarriiqday in mustaqbalkeeda siyaasadeed ee sanadka 2022-ka uu ku xiran yahay rabitaanka shacabka ay matasho.
Mrs. Waiguru ayaa xustay in dadweynaha ku nool Kirinyaga ay yihiin codbixiyayaal mudan in la tixgeliyo rabitaankooda sidaas awgeedna inta aynan qaadin tallaabo siyaasadeed ay wada tashi la sameyn doonto.