Dowladda oo saartay 2 bilyan oo lagula tacaalaya abaarta

0
647

Wasaaradda maaliyadda ee dalka ayaa soo saartay 2 bilyan oo shilinka dalka ah oo wax looga qabanayo saameynta abaarta.
Wasiirka wasaaradda dowlad wadaajinta ee dalka Mr. Eugene Wamalwa ayaa sheegay in dowladda ay sii wadi doonto gargaarka raashinka iyo lacago ay u adeegsan karaan helidda waxyaabaha qutul daruuriga ah gaar ahaan qoysaska ku nool ismaamullada ay abaartu aad u saameysay.
Wasiirka ayaa sheegay in ismaamullada waqooyiga dalka gaar ahaan Wajeer, Garissa, Mandera iyo Isiolo ay yihiin meelaha ay saameynta ugu badan ee abaartu soo gaartay.
Hadalkan ayuu jeediyay mar uu maanta si rasmi ah u daahfuray 32,000 kiish oo raashin oo la gaarsinaya deegannada oomanaha ee loo yaqaano ASALs iyo gobolka Xeebta.
32 kun kiish ee raashinka oo midkiiba culeyskiisu yahay 50 kiilogaraam ayaa loo qeybin doonaa qoysaska ay abaartu saameysay ee ku nool 8 ismaamul.
Gaagaarkan ayaa qayb ah dadaallada ee dowladda dhexe ku dooneyso inay wax uga qabato abaarta.
Ugu yaraan 12 dowlad deegaan ayaa hadda laga dareemayaa saamaynta abaarta iyada oo ay hay’adda Laanqayrta Cas ee Kenya ka digtay in 23 ismaamul ay abaarta waxyeelo u geysan karto.
Ilaa iyo hadda, 1.5 bilyan oo shiliin oo lacago ah ayaa la siiyay qoysaska ay dhibaatada abaarta saameysey.
Qaramada midoobay iyo midowga Yurub ayaa lagu wadaa inay sare u qaadaan dadaallada ay dowladda Kenya ku garab siinayaan in lacago caddaan ah la gaarsiiyo qoyaska nugul, iyadoo midkiiba 500 milyan ugu deeqaya dowladda.
Waxaa sidoo kale la filayaa in dowaladda Shiinaha deeq raashin bariis ah ay dalka soo gaarsiiso.