2 qof oo la xaqiijiyay inay ku dhinteen doon ku degtay harada Victoria

0
394

Wararka naga soo gaaraya gobolka Nyanza ayaa sheegaya in la xaqiijiyay dhimashada labo qof oo ka mid ahaa 10 rakaab ah ka dib markii ay la degtay doon sidday.
Waxaa weli la la’yahay siddeed kale.
Wararka ayaa intaa ku daraya in 6 ruux la soo badbaadiyay oo hadda lagu daweeynaya isbitaalka wayn ee dowlad deegaanka Homa Bay.
Waxaa jiro tuhun ah in doontu ay saarnayeen tiro rakaab oo ka badan intii loogu talagalay.
Joshua Ochogo oo ka mid ah mas’uuliyiinta ismaamulka Homa Bay ayaa shacabka ugu baaqay inay degganaan muujiyaan.
Waxaa uu xusay in dib loo billaabay howlaha samatabixinta ee lagu raadinaya siddeeda rakaab ee la la’yahay ka dib markii shalay la hakiyay.