Hal burcad oo la dilay halka 10 kale la qabtay ismaamulka Kakamega

0
317

10 qof oo loogu shakinsan yahay in ay burcad yihiin oo la xiray
Saraakiisa laamaha amaanka ee ismaamulka Kakamega ayaa dilay hal qof halka gacanta lagu dhigay 10 qof oo looga shakinsan yahay in ay yihiin burcad ka dib markii ay isku dayeen in ay gacanta booliska ay ka sii daayaan kuwa ayaga xulafa la ah oo ciidamada qabteen.
Sida la sheegay gaari xamuul ah oo ay horay u soo qabteen ciidamada kaas oo siday 400 kiish oo sonkor sharci darro ah.
Waxaa kalo booliska ay soo heleen hub sharci darro ah oo la sheegay in ay burcadaasi haysteen
Burcadaasi ayaa in ka badan 20 baabuur iyo mootooyin aan la garanayn tiradooda ku xiray wadada weyn ee xarunta ganacisga ee Makunga .
Booliska ayaa gacanta ku soo dhigay saddex ka mid ah baabuurta ay adeegsanayeen eedeysanayasha iyo mooto bajaaj kuwaas oo lagu haayo saldhigga dhexe ee booliska Kakamega iyadoo kuwa kale ay goobta ka baxsadeen oo wali ay lamaaha amaanka ku raad joogan.
Iska hor imaad kaasi ayaa waxa ku dhintay hal qof oo burcad ah waxa kale oo uu dhawac fuduud soo gaaray hal sarkaal oo boolis ah
Eedeysanayaasha ayaa da’adoodu lagu sheegay in ay u dhaxeysa 21 sano jir ila 28 sano jir.
Waxaana haatan lagu baarayaa saldhigga dhexe ee boliska Kakamega si loo soo taago maxkamadda.