Ururka waalidiinta dalka oo sheegay inay difaacayaan manhajka cusub ee CBC

0
421

Ururka qaran ee waalidiinta dalka ee NPA ayaa sheegay inay difaaci doonaan manhajka cusub ee waxbarashada ee loo yaqaano CBC oo dacwad la xiriirta maxkamadda loo gudbiyay.
Waxaa ay sheegeen inay ku biirayaan dacwadda arrinkan ku aadan ee socoto.
Guddoomiyaha ururka waalidiinta ee dalka Nicholas Maiyo ayaa maanta sheegay in shaki la’aan ay ku biiri doonaan dacwadda manhajka cusub ee waxbarashada ee socoto islamarkaana saamiley badan ay kasoo horjeysteen.
Mr. Maiyo oo hadalkan ka jeediyay xarunta machadka horumarinta manaahijta waxbarashada ee dalka ee KICD ayaa sheegay in walaaca ururkan uu yahay oo kaliya dacwadda la gudbiyay ee looga soo horjeedo manhajka cusub.
Waxaa uu xusay in manhajka cusub la rajeynaya inuu ardayda ka soo dhiso dhinaca xirfadaha islamarkaana ay tahay in lasoo dhaweeyo.
Toddobaadkii hore ayay ahayd markii madaxa ururka qareenada dalka ee LSK Nelson Havi uu maxkamadda u gudbiyay codsi uu ku dalbanayay in la hor istaago dhaqangelinta manhajka cusub ee waxbarashada ee CBC.
Waxaa uu ku dooday in tallaabooyinka ay qaadeen wasaaradda waxbarashada, machadka horumarinta manaahijta tacliinta ee Kenya, guddiga adeegga macallimiinta (TSC), iyo golaha imtixaanaadka qaranka ee (KNEC) ay yihiin kuwo sharci darro ah oo wax u dhimaya carruurta aadda dugsiyada.
Arrintan ayaa ku soo aadaysaa iyada oo ay weli taagan tahay hadal haynta ka dhalatay in wasaaradda waxbarashada aynan joojin doonin dhaqangelinta manhajka cusub ee waxbarashada ee loo yaqaano CBC.