Madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto ayaa sheegay in ay tahay wax laga xumaado in siyaasiyiinta ay mudnaanta koowaad siiyaan isbeddelka dastuurka.
Waxaa uu sheegay in ahmiyadda dalka ay mar walba tahay dib u soo kabashada dhaqaalaha oo looga gol-leeyahay in inta badan dadka Kenyaanka ah looga saaro saboolnimada.
Dr. Ruto ayaa tilmaamay shaqo abuurka iyo xoojinta ganacsiyada yar yar loo baahan yahay in si degdeg ah diiradda loo saaro.
Waxaa uu xusay in dalka uu mar hore lumiyay ajandooyiinkii ugu waaweyna, iyadoona diiradda la saaray in xeerarka wadanka u degsan wax laga beddello, taasoo uu tilmaamay inaysan wax soo saar lahayn.
Hadalkan ayuu jeediyay xilli uu shalay ka hadlay kulan isku soo bax ah oo u ku qabtay dowlad deegaanka Kiambu.