Wararka naga soo gaaraya ismaamulka Nakuru ayaa sheegaya in dhakhtar ku takhasusay cudurrada haweenka laguna magacaabo Joseph Gikara uu ku jiro qaybta daryeelka degdega ee ICU-da ka dib markii uu isku dayay inuu is dilo.
Waxaa uu sidoo kale xalay fiidkii ka takhalusay labo carruur oo uu dhalay oo ay da’doodu ahayd 5 sano iyo 3 sano.
Ciidamada booliska ayaa laga soo xigtay in sarkaalkan looga shakiyay inuu carruurta siiyay daawo xad dhaaf ah .
Hasa ahaate saraakiisha ammaanka ayaa ka soo qaaday gurigiisa isagoo miir daboolmay maadaama uu doonayay inuu sidoo kale naftiisa qaarajiyo.
Ilaa iyo hadda ma cadda sababta keentay inuu dhakhtarka falkaasi ku kaco in kastoo ay jiraan warar sheegaya inuu wajahayay isku buuq maskaxeed oo dhanka qoyska ah.
Isku duwaha ammaanka ee gobolka Rift Valley George Natembeya ayaa dhacdadan xaqiijiyay wuxuuna sheegay inay faahfaahin dheeraad ah bixin doonaan ka dib marka la soo gabagabeeyo baaritaanada socdo.