DHAGEYSO:William Ruto oo mudanayaasha baarlamaanka uga digay inay dib u soo nooleeyaan wada hadalladii BBI

0
639

Madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto ayaa uga digay xildhibannada golaha qaran ee xeer dejinta ee u ololeenayay geddisocodkii meesha laga saaray ee BBI inay dib u soo nooleeyaan wada hadaladii ku saabsanaa qorshihii la doonayay in wax looga beddelo xeerarka wadanka.
Dr. Ruto ayaa ku andacooday in BBI ay ku saabsanayd abuurista jagooyin siyaasadeed.
Ku xigeenka madaxweynaha dalka ayaa hadalkan ka jeediyay gurigiisa ku yaalla deegaanka Sugoi ee ismaamulka Uasin Gishu, halkaas oo u ku marti qaaday hoggaamiyayaal siyaasadeed oo ka soo jeeda gobolka galbeedka dalka