Turkey, Masar iyo Kenya ayaa lagu daray dalalka aanay dadka ka yimaada u baahan doonin in hotel lagu karantiilo laga billaabo maalinta Arbacada.
Xukumadda Ingriiska ayaa maanta shaacisay isbeddello cusub oo lagu sameynayo nidaamka socdaalka ee COVID-19.
Liiska midibka cas Waxay ka saartay UK dalalka Kenya, Turkey, Pakistan, Maldives, Masar, Sri Lanka, Oman,iyo Bangladesh.
Kenya ayaa hadda fursad u heli doonta in muwaadiniinta ay si xayiraad la’aan ah ku tagi karaan wadanka Ingriiska.