DHAGEYSO:Raila Odinga oo berri la kulmaya wufuud matalaysa gobolka xeebta

0
548

Madaxa xisbiga ODM Raila Odinga ayaa lagu wadaa inuu maanta gaaro ismaamulka Mombasa ee gobolka xeebta si uu berri halkaasi ugu qabto kulan ballaaran.
Shirka oo ka dhacaya beerta loo yaqaano wild waters ee deegaanka Nyali ayaa waxaa ka qayb galaya wufuud heer sare ah.
Xildhibaanada baarlamaanka ee laga soo doortay gobolka xeebta ayaa sheegay in ujeedada shirka ay tahay xoojinta awoodda siyaasadeed ee xisbiga ODM ee gobolkaasi iyadoo la diiwaangelinayo xubno cusub iyo tallaabooyin kale.
Mudanaha deegaanka Mvita ee ismaamulka Mombasa Cabdulsamad Shariif Naassir ayaa laga soo xigtay in shirka berri ay ku kulmi doonaan Raila Odinga , xubnaha golaha qaran ee fulinta ee ODM iyo xildhibaanada gobolkaasi.
Waxaa uu intaa ku daray in ODM ay rumeysan tahay dimuqraadiyadda oo ay dhawaan billaabi doonaan olole sare loogu qaadaya taageerada xisbiga .
Cabdisamad Shariif Naasir ayaa xusay in hadii ODM ay hayn lahayd hoggaanka wadanka aanan xilligan adag la kordhiyeen qiimaha shidaalka, hadalkaasi oo uu taageeray dhigiisa Jomvu Badi Twalib.
Mishi Mboko oo baarlamaanka ku matasha shacabka deegaanka Likoni ee Mombasa ayaa dhankeeda sheegtay in shirka berri uu gogol xaar u yahay u diyaar garowga doorashada guud ee sanadka 2022-ka.
Saddexda xildhibaan ee ka tirsan ODM oo arrimahan ka hadlaya ayaa yiri

Dhanka kale xisbiga ODM ayaa bayaan uu soo saaray ku beeniyay inuu wada-hadal iskaashi ku saleysan u socdo xisbigan iyo PAA oo uu aasaasay barasaabka Kilifi Amason Kingi oo horay ODM uga tirsanaa.