Tallaal dheeraad oo ka dhan ah COVID19 oo maanta dalka la keenaya

0
290

Waxaa la filayaa in maanta wadanka la soo gaarsiiyo daawooyinka tallaalka ka dhanka ah cudurka COVID19 gaar ahaan nooca loo yaqaano Pfizer oo gaaraya 2 milyan .
Waxaa taageeradan Kenya siinaysa dowladda Maraykanka si sare loogu qaado ololaha tallaalka ee ka socdo guud ahaan dalka.
Wasiirka wasaaradda caafimaadka Mr. Mutahi Kagwe ayaa warbaahinta u xaqiijiyay daawooyinka dheeraadka ah ee la rajeynaya.
Waxaa uu dhanka kale xusay in wasaaraddu aynan tallaalka COVID19 siin doonin carruurta ay da’doodu ka hooseyso 18 sano.
Mr. Kagwe ayaa sheegay in canugga la tallaalaya keliya hadii uu naafo yahay ama uu qabo xanuunnada kale ee halista ah.