Maxkamadda oo maanta xukun ku ridaysa wasiirkii hore ee cayaaraha dalka

0
451

Waxaa la filayaa in maanta ay maxkamadda xukun dul dhigto wasiirkii hore ee wasaaradda cayaaraha dalka Xasan Wario iyo ku xigeenkii qasnad hayaha guddiga qaran ee olimbikada Stephen arap Soi oo shalay dembi lagu helay.
Maxkamadda ayaa eedeysanayaashan ku caddeeysay inay malaayiin shilin musuqmaasuqeen sanadkii 2016-kii xilligaasi oo la qabtay cayaaraha Olimbikada ee ka dhacay dalka Braziil.
Maxkamadda dhageysato dacwadaha la xiriira musuqmaasuqa iyo ku takriifalka awoodeed ayaa sheegtay in mas’uuliyiintan hore ay dembi galeen.
Qiimaha lacagta ay maxkamaddu sheegtay in sidii la rabay aan loo adeegsan ayaa dhan 88.6 milyan oo shilin.