Aqalka sare oo u yeeray wasiirrada batroolka iyo tamarta

0
437

Guddoomiyaha aqalka sare ee dalka Kenneth Lusaka ayaa wasiirka wasaaradda batroolka John Munyes iyo dhigiisa tamarta Charles Keter ku amray inay ka soo hormuuqdaan senatarrada maalinka Talaadada ee toddobaadka dambe.
Labadan mas’uul ayaa laga doonaya inay faahfaahin ka bixiyaan sababta keentay in xilligan la kordhiyay qiimaha noocyada kala duwan ee shidaalka.
Mr.Lusaka ayaa xusay in wasiirrada looga baahan yahay inay quddooda hor tagaan aqalka sare oo aynan wakiilo dirsan.
Senatarka ismaamulka Kericho Aaron Cheruiyot ayaa dalbaday in loo yeero wasiirrada .
Tani ayaa imaanaysa saacado un ka dib markii maamulka qaabilsan maareynta adeegyada tamarta iyo batroolka dalka ee EPRA uu dhaqangeliyay isbeddelo cusub oo la xiriira qiimaha lagu kala iibsanaya shidaalka .
Qiimaha nooca shidaalka ee Super Petrol ee magaalada Nairobi ayaa hadda ah 134.72 halkii liitar,naaftada ama Diesel waxaa lagu kala iibsanayaa 115.60 shilin halkii liitar halka Kerosene uu yahay 110.82 shilin liitarkii.
Ismaamulka Mombasa noocyada kala duwan ee shidaalka ayuu qiimahoodu kala yahay super petrol (132.46 ) shilin, Diesel (113.36) shilin iyo Kerosene oo ah (108.57) halkii liitar.
Maamulka EPRA ayaa sheegay in qiimahan ay ku jirto canshuurta dakhliga ee (VAT) oo ah boqolkiiba 8 sida ku qeexan xeerarka maaliyadda ee sanadkii 2018-kii iyo isbeddelkii lagu sameeyay xeerarka canshuurta ee sanadkii hore.
Qiimaha nooca shidaalka ee loo yaqaano super petrol ayaa waxaa ku kordhay ilaa 7 shilin.
Kenyaanka oo wajahaya culeys dhaqaale oo ka dhashay saameynta cudurka COVID19 ayaa cabasho ka muujiyay kororka ku yimid noocyada shidaalka wadanka.