DHAGEYSO:William Ruto oo sheegay inuunan dayn siyaasadeed ku lahayn madaxweynaha

0
530

Ku xigeenka madaxweynaha dalka Dr. William Ruto ayaa taageeray hadal uu shalay jeediyay madaxweyne Uhuru Kenyatta oo ahaa inuunan jirin cid siyaasad ahaan deyn ku leh oo ay tahay inuu u abaal gudo.
Ruto ayaa hoosta ka xarriiqay in markii uu taageerayay Mr. Kenyatta uunan wax shardi oo ah inuu isna dib ka soo dhiso ku xirin.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay inaynan jirin cid kale ama qowmiyad u ballanqaaday inay soo dhisi doonto sidaas awgeedna aynan jirin wax deyn ah oo uu doonayo in qaab taageero siyaasadeed ah loogu gudo.
William Ruto ayaa sheegay in uu shacabka uga mahadcelinayo in ay labo mar u soo doorteen ku xigeenka madaxweynaha Kenya.
Siyaasigan ayaa ku celceliyay in deynta ay isaga iyo madaxweynaha ka qabaan dadweynaha ay tahay in ay u oofiyaan ballanqaadyadii ay u sameyeen xilligii ololihii doorashada.

William Ruto ayaa dhanka kale madaxda siyaasadeed ugu baaqay inay joojiyaan doodda lagu mashquulay ee ah in cidii horay loo soo dhisay ama loo taageeray ay la jirto deyn ah in qofka kale ay garab siiso.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in siyaasiyiinta laga doonayo inay shacabka uga mahadceliyaan jagooyinka ay u doorteen oo ayna sida habboon ugu adeegaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here