Roobab culus oo la saadaalinaya in maalmaha soo socdo ay ka da’aan qaybo ka mid ah wadanka

0
525

Waaxda saadaasha hawada ee dalka ayaa sheegtay in la filayo laga billaabo maalinka Jimcaha ee 17-ka bishan inay roobab culus ka da’aan qaybo ka mid ah wadanka.
Gobollada ay waaxdu saadaalisay in roobab ay ka da’i doonaan waxaa ka mid ah, Rift Valley, bartamaha, waqooyi galbeed ee dalka iyo dhanka harada Victoria.
Bayaanka waaxdan waxaa qayb ka ah in deegaannada ku yaalla galbeedka iyo gobolka bartamaha dalka la filayaa inay roobab culus oo heerkoodu lagu qiyaasay in ka badan 20 miliimitir ay ka da’aan maalinka Jimcaha.
Waxaa KMD ayaa sidoo kale ka digtay goobaha laga cabsi qabo in roobabka saameeyaan ay ka mid yihiin ismaamullada Uasin Gishu, Nandi, Trans Nzoia, Vihiga, Bungoma, Kakamega, Elgeyo Marakwet, Narok, Bomet, Kericho, Nakuru, Migori, Nyamira, Kisii, Homa Bay, Kisumu, Siaya, Busia, West Pokot, Turkana, Samburu, Baringo, Nyeri , Kiambu, Laikipia, Nyandarua, Murang’a, Embu, Meru, Kirinyaga, iyo Tharaka Nithi.
Shacabka ku nool ismaamulladan ayaa lagu boorriyay inay feejignaadaan maadaama ay suuragal tahay in daadad ay ka dhashaan roobabka waxaana loo soo jeediyay inay ka fogaadaan meelaha uu joogoodu hooseeyo.
Waxaa sidoo kale dadka ku nool meelaha u nugul dhul go’a lagu boorriyay inay feejignaan dheeri ah muujiyaan.