Guddoomiyaha golaha qaran ee xeer dejinta Mr. Justin Muturi ayaa caddeeyay inuunan jirin dalab kaga yimid madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto oo ah in sanadka 2022-ka uu ku xigeenkiisa noqdo maadaama uu Ruto u tartamaya xilka ugu sarreeya ee madaxtinimo.
Waxaa uu Muturi carrabka ku dhuftay in marka la gaaro doorashada guud ee sanadka soo socdo uu ka mid noqonaya musharraxiinta madaxweynenimo.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in uunan aqbali doonin xil aan ahayn midka uu hiigsanaya.
Wareysi uu maanta siiyay idaacadda Spice ee shirkadda Standard Group ayuu ku sheegay in aynan jirin cid ilaa iyo hadda soo abbaartay si uu ku xigeen ugu noqdo.
Justin Muturi ayaa intaasi ku daray inuu dhawaan shaacin doono xisbiga uu u adeegsanaya ololihiisa siyaasadeed.