Labo qof oo lagu eedeynaya kufsi oo lagu xiray Lamu

0
485

Waaxda dambi baarista dalka ayaa sheegtay inay gacanta ku dhigtay labo qof oo loo haysto inay haweeney dhimirka ka xanuunsan ku faraxumeyeen ismaamulka Lamu ee gobolka xeebta.
Wararka ayaa intaa ku daraya in eedeysanayaasha oo lagu kala magacaabo Shadrack Murimi Maina oo 45 sano jir ah iyo Hiribae Kokane oo da’diisu lagu sheegay 43 ay iska dhigeen kuwo haweeneyda caawin rabo ka hor inta aynan dhibaateyn.
Falkan ayay gaysteen maalinkii Isniinta ee toddobaadkan waxayna hadda ku jiraan gacanta ciidamada ammaanka oo baaritaano dheeraad ah wado ka hor inta aan maxkamadda la soo taagin.