DHAGEYSO:Hoggaamiyaha ANC oo sheegay inuusan dhiggiisa ODM wax deyn ah ku lahayn

0
586

Madaxa xisbiga ANC Musalia Mudavadi ayaa gaashaanka u daruuray sheegashada ah in hoggaamiyaha ODM Raila Odinga uu ku leeyahay deyn siyaasadeed oo ay tahay inuu markiisa gudo maadaama uu taageeray laba doorasho oo guud.
Xilli uu saaka wareysi gaar ah siiyay idaacada KASS FM ayuu Mudavadi xusay inaysan jirin daymo siyaasadeed oo ka dhashay qof horay loo taageeray.
Mudavadi ayaa tilmaamay inay dadku isu yimaadeen oo midoobaan siyaasad ahaan ujeeddada laga leeyahayna ay tahay hirgelinta aragtida ay wadagaan taasina aysan ahayn in loo arko dayn siyaasadeed.

Ra’iisul wasaare ku xigeenkii hore ee dalka ayaa hoosta ka xarriiqay inuu taageero ka raaadinayo dadka kenyaanka ah balse uusan diirrada saarayn qof ama gobol gaar ah.
Hoggaamiyaha xisbiga ANC ayaa dhigiisa ODM taageero u muujiyay doorashooyinkii dalka ka dhacday 2007-dii iyo 2017,waxayna xulufadiisa muhiimka ah Odinga ugu baaqeen inuu ku taageero doorashada 2022-ka.
Bishii Lixaad ee sanadkan, madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa caddeeyay inuu mid isaga beddella taageeri doono hoggaamiyeyaashii hore ee isbahaysigii NASA doorashada 2022-ka haddii ay midoobaan oo ay hal musharrax isku raacaan.
Hoggaamiyeyashii hore ee NASA ayaa kala ahaa Raila Odinga, Mudavadi, Kalonzo Musyoka iyo Moses Wetangula.