Barasaabka Ismaamulka Mandera Cali Ibraahim Rooba ayaa la wareegay xisbiga United Democratic Movement Party (UDM) maalmo uun ka dib markii ay siyaasiyiinta ismaamullada xoolo dhaqatada ay aasaaseen urur loogu magacdaray UPYA.
Xayeysiin lagu daabacay mid ka mid jaraa’idada dalka kasoo baxa, ayaa lagu sheegay in qaar ka mid ah mas’uuliyiinta dowlad deegaanka Mandera lagu dhawaaqay inay yihiin saraakiisha cusub ee xisbiga UDM.
Ila wareed ku dhow xafiiska guddoomiyaha ismaamulka Mandera ayaa xaqiijiyay in xisbigan lagala wareegay John Koech Cherotich.
Mr. Roba ayaa haatan ah hoggaamiyaha xisbiga UDM.
Madaxweyne ku xigeenka William Ruto ayaa mar lala xiriirnayay xisbiga UDM balse uma aysan suurobin inuu la wareego, iyada oo ay isku hayeen xubno uu hoggaaminayo xoghayihii hore ee xisbiga Mr. Martin Ole Kamwaro.
Xoghayaha Cusub ee xisbiga UDM David Ohito ayaa shaaca ka qaaday in xisbiga uu buuxin doono dhammaan duldulaalaha siyaasadeed ee gobolka.
Mr. Ohito, oo ah madaxa shaqaalaha ismaamulka Madera ayaa sheegay in dowlad wadaajinta ay ku liidato dhanka matalaadda siyaasadeed.
Xisbiga waxaa la aas-aasay sanadkii 1999-kii , waxaana bilaabay siyaasiyiin ka soo horjeeday xisbigii xiligaa talada dalka maamulayay ee KANU.