DHAGEYSO:Wasiirka caafimaadka Garissa oo arrimo badan kaga hadlay waraysi uu siiyay warbaahinta Star

0
498

Wasiirka caafimaadka ee ismaamulka Garissa Rooble Saciid Nuunow oo wareysi gaar ah siiyay warbaahinta Star ayaa sheegay in isbitaalka wayn ee Garissa ay yaallaan daawooyin ku filan oo lagula tacaali karo cudurrada kala duwan.
Waxaa uu waxba kama jiraan ku sheegay in xita mararka qaar bukaannada laga dalbado inay suuf soo iibsadaan isagoo faahfaahin ka bixiyay sida uu arrintan ugu kuur galay.

Waxaa uu sheegay in degmooyinka ismaamulka Garissa marka laga soo tago Xuluuqo oo ka tirsan deegaanka Ijara ay leeyihiin baabuurta gurmadka degdegga ee loo yaqaano Ambulansi.
Rooble waxaa uu been abuur ku tilmaamay in mararka qaar dadka laga dalbado inay shidaal ku shubtaan gawaaridan.

Wasiirka ayaa sidoo kale sawir guud ka bixiyay xaaladda guud ee cudurka COVID19 ee ismaamulka Garissa

Waa sidee adeegga agabka bukaanada ka caawiyo neef qaadashada ee Oksijiinka ee Garissa, wasiirka caafimaadka ee ismaamulkaasi oo ka warramaya ayaa yiri

Wasiirka waxaa uu sidoo kale sharraxay xarumaha caafimaadka ee laga qaadan karo daawooyinka tallaalka ee ka dhanka ah cudurka COVID19

Sidoo kale waxaa uu wasiirku sheegay in meydadka yaalla isbitaalka wayn ee Garissa ay yihiin kuwo halkaasi la geynayay saddex bilood .

Ugu dambeyn waxaa uu shacabka ismaamulka Garissa ugu baaqay inay kula xisaabtamaan waxqabadkiisa sidoo kalena ay iska baaraan cudurka COVID19.