Wasiirka wasaaradda waxbarashada ee dalka Prof. George Magoha ayaa ku gacan seyray kuwa dhaleeceynaya manhajka cusub ee waxbarashada ee loo yaqaano CBC.
Waxaa uu ku adkeystay in dowladda aysan joojin doonin hirgelinta nidaamka waxbarashada ee cusub.
Prof. Magoha ayaa tilmaamay in kuwa doonaya in manhajka cusub la joojiyo ay maalin cad riyoonayaan.
Waxaa uu intaa ku daray in CBC ay tahay isbeddelka ugu weyn abid ee la hirgeliyo.
Wasiirka ayaa sheegay in manhajkan uu ardayda kasoo dhisayo dhanka xirfadaha.
Prof . Magoha ayaa xusay inuu markii hore ka walaac sanaa in macalliminta ay ka hor imaadaan manhajkan balse ay soo dhaweeyeen.
Wasiirka waxbarashada ee dalka ayaa meesha ka saaray walaaca laga qabo in manhajka cusub ee CBC uu qaali yahay islamarkaana uu waalidiinta uu culeys dhaqaale saarayo.
Waxaa uu qiray inay jiri karaan caqabado kooban oo wax laga qaban karo .
Waxaa uu waalidiinta ugu baaqay inay sii wadaan taageeridda carruurtooda ee dhanka waxbrashada maadaama taasi ay qayb ka tahay mas’uuliyadooda.
Prof. George Magoha ayaa ka digay in la siyaasadeeyo dhaqangelinta manhajka CBC oo uu xusay in ardayda ay waxyaabo badan ka faa’iidayaan.