Senatarka Meru oo damiin lacageed lagu siidaayay ka dib markii kufsi lagu eedeeyay

0
580

Senatarka ismaamulka Meru ,Mithika Linturi ayaa maanta waxaa la soo taagay maxkamadda Milimani ee magaalada Nairobi.
Mr. Linturi ayaa lagu soo oogay dacwad ah inuu uu isku dayay in uu kufsado haweeney 36 sano jir ah 30-kii bishii koowaad ee sanadkaan .
Falkaasi ayaa la sheegay in uu ka dhacay maqaaxida Maiyan Villas abaare 3 -dii aroornimo waxaana lagu sii daayay damaanad lacageed oo dhan 200,000 oo shilinka dalka ah .
Senatarka Meru ayaa wajahaya eedeyn kale oo ah in uu qof qaangaar ah uu kula kacay fal anshax xumo ah taasoo ka soo horjeedda qaybta 11-d ee dastuurka dalka ee xeerka dembiyada ka dhanka ka ah galmada.
Waxaa uu dhammaan iska fogeeyay eedeymihii loo soo jeediyay ugu dambeyna maxkamadda ayaa damaanad ku siidaysay.
Dacwadda ka dhanka ah senatarka Meru ee la xiriirta iskudayga kufsi ayay mar kale maxkamaddu soo hadal qaadi doontaa 26-ka bisha Tobnaad ee sanadkan.