Qoysas fara badan ayaa billaabay inay booqdaan isbitaalka weyn ee magaalada Garissa qeybtiisa maydadka lagu kaydiyo si ay u hubiyaan in eheladooda maqan ay ka mid yihiin shakhsiyaad dhawaan meydadkooda la helay.
Maalmo ka hor ayay ahayd markii ay soo baxday in la arkay 11 meyd kuwaasoo la sheegay in laga soo saaray webiga Tana.
In ka badan shan qoys ayaa maalintii shalay ahayd booqday isbitaalka si ay maydadka halkaasi la dhigay ugu dhex aqoonsadaan eheladooda.
Qoysaskan waxay dowladda ka codsadeen inay gacan ka geysato baaritaanka dheecaanka hidda-sidaha ee maydadka maadama ay xaaladdoodu aad u liidato oo aan la aqoonsan karin.
Kinyanjui Thuo oo ka tirsan xafiiska qaran ee xuquuqul insaanka ee dalkani kenya laantooda gobolka waqooyi bari ayaa sheegay in guddiga uu la shaqeyn doono hay’adaha kale ee dowladda si loo oogado sababta keentay in dadkaasi la dilo iyo in wabiga maydkooda lagu tuuro.
Waxaa uu dowlad deegaanka Garissa ugu baaqay in maydadka la aasin iyadoo wax baaritaano ah an la sameyn .
Kinyanjui Thuo ayaa qoysaska ay ka maqan yihiin ehelladooda saddexdii bilood ee la soo dhaafay ka codsaday in ay tagaan isbitaalka way nee Garissa si ay u aqoonsadaan dadka aynan meelna ku sheegi karin.