Agaasimaha waaxda dacwad soo oogidda dalka Nuurdiin Xaaji ayaa meesha ka saaray eedeymaha loo haystay saddex ka mid ah afar xildhibaan oo la xiray bishii saddexaad ee sanadkan intii lagu guda jiray doorashadii ku celiska ahayd ee deegaanka Kabuchai ee ismaamulka Bungoma .
Saddexda siyaasi ayaa kala ah senatarka ismaamulka Nandi Samson Cheragei , xildhibaanka Nandi Wilson Kogo iyo dhiggiisa Belgut Nelson Koech ,waxaana dacwadaasi hoggaaminayay garsoore Stephine Mogute.
Dhanka kale kiiska ka dhanka ah xildhibaanka Kimilili Didmas Barasa ayaan wali meesha laga saarin waxaana maxkamad la soo taagi doonaa 25 -ka bishaan.
Afarta xildhibaan ayaa la xiray xilligii doorashadii Kabuchai ee waxaana lagu soo eedeeyaay dacwad ah in ay isku diyaarinayeen inay fal dambiyeed culus gaystaan wallow ay wali xildhibaanada ku adkeysanayaan in eedeyntaasi ay tahay mid siyaasadaysaan