Guddiga adeegga macallimiinta ee TSC ayaa shaaciyay fursado tababar oo ay helayaan 1,995 ah ardayda bartay culuunta macallinimada.
1,038 ka mid ah tiradan ayaa loo qoondeeyay dugsiyada hoose dhexe halka 957 fursadood loogu talagalay dugsiyada sare.
Barnaamijkan oo soconaya muddo hal sano ah ayaa looga gol-leeyahay in sare loogu qaado aqoonta shakhsiyaadka ku biiraya waaxda waxbarashada ee wadanka.
Madaxa fulinta ee guddiga TSC Nancy Macharia ayaa sheegtay in marka uu tababarka dhammaado macallimiintan la siin doono shahaado ka turjumaysa waxyaabaha ay kororsadeen ee dhanka xirfadda waxbaridda.
Waxay cidii fursaddan daneynaysa ku wargelisay inay codsi dirsato ka hor 27-ka bishan sagalaad iyadoo adeegsanaysa barta www.teachersonline.go.ke .
Dhanka kale wasiirka wasaaradda waxbarashada ee dalka Prof. George Magoha ayaa ka digay in la siyaasadeeyo dhaqangelinta manhajka cusub ee tacliinta ee CBC oo uu xusay in ardayda ay waxyaabo badan ka faa’iidayaan.