Waaxda dambi baarista oo raadinaysa nin gabadh yar faraxumeeyay

0
456

Waaxda dambi baarista dalka ayaa sheegtay in lagu raadjoogo
Peter Nzinzi Musyoki oo 40 sano jir ah kaasoo lagu eedeyay inuu faraxumeeyay gabadh yar.
Falkan ayuu gabadha oo da’deedu lagu sheegay 5 sano kula kacay galinkii hore ee shalay ka hor inta uunan baxsan.
Wararka ayaa intaa ku daraya in eedeysanaya uu gabadha ku dhibaateeyay meel duur ah oo ku taalla degmada Kilungu ee ismaamulka Makueni.
Dhibanaha ayaa la geeyay isbitaalka wayn ee degmadaasi si loo daweeyo.
Saraakiisha ammaanka ayaa sheegay inay dadaal badan ku bixinayaan sidii loo soo xirir lahaa tuhmanaha oo la rumeysan yahay inuu weli dhuumaaleysanaya.