Jaamacadda Kabianga oo la xiray ka dib markii ay ardaydu banaanbax sameeyeen

0
440

Wararka ka imaanaya ismaamulka Kericho ayaa sheegaya in si deg deg ah albaabada la isugu dhuftay Jaamacadda Kabianga ee degaan baarlamaneedka Belgut, ka dib markii ardayda halkaas wax ka barta ay waddooyinka ka dhigeen banaanbaxyo ay uga cabanayeen in qarashaadka tacliinta lagu kordhiyay.
Qoraal Jaamacadda ka soo baxay oo uu ku saxiixnaa guddoomiye ku xigeenka xaruntaas ee dhanka tacliinta iyo arrimaha ardayda Prof. Elijah Omwenga, ayaa lagu sheegay in go’aanka lagu xirayo jaamacadda la gaaray maanta ka dib kulan gaar ah oo goluhu yeeshay.
Xiritaankaan ayaa si gaar ah u saamaynayo kooxo kale duwan oo ardayda ka mid ah kuwaasoo ku jira heerarka kala duwan ee waxbarashada waxaana ardayda lagu amaray inay si deg deg ah jaamacadda uga baxaan.