Kalonzo Musyoka oo sheegay in musuqmaasuqa uu sababay sinnaan la’aan iyo saboolnimo

0
402

Hoggaamiyaha xisbiga Wiper Kalonzo Musyoka ayaa sheegay in musuqmaasuqa u yahay isha sinnaan la’aanta iyo saboolnimada dalka ka jirto.
Waxaa uu sheegay in hoggaamiyaasha qaar ay danahooda gaar ka ah u adeegsadan hantida shacabka, taasoo sababtay in xaalad adag ay soo fodsaarto danyarta.
Mr. Musyoka ayaa kenyaanka ku dhiirigeliyay in aysan niyad jabin, maadama dowladda imaanaysa sanadka 2022-ka ee uu filayaa inuu hoggaamiyo ay dib u soo celin doonta dhaqaalaha iyo hantidii dadweynaha ee la lunsaday
Waxaa carrabka ku dhuftay in dadweynaha ay u baahan yihiin isbeddel dhaqaale madaama uu cudurka Covid19 uu wiiqay dhaqaalaha dalka.
Madaxweyne ku xigeenkii hore ee dalka ayaa sidoo kale ka hadlay waxbarashada, isagoo sheegay in dugsiyada sare uu ka dhigi doono kuwa bilaash ah si loo yareeyo culeyska saaran waalidiinta.
Siyaasiyiinta taabacsan madaxa xisbiga Wiper Kalonzo Musyoka ayaa ku celceliyay mowqifkooda ah in Kalonzo uusan taageeri doonin hoggaamiye kale sannadka 2022-ka islamarkaana ay ka go’aan tahay in ay dalka oo dhan soo maraan si ay shacabka Kenyaanka ah ugu boorriyaan inay doortaan Kalonzo Musyoka.