Afhayeenka golaha qaran ee xeer dejinta Justin Muturi ayaa caddeeyay in uusan cidna u ahayn mashruuc, isaga oo doonaya in isu soo sharraxa hoggaanka ugu sarreeya dalka ee doorashada guud sanadka dambe ee 2022-ka.
Waxaa uu sheegay inuunan cidna kala xaajoon doonin qorshihiisa siyaasadeed, hadii aynan isku fikrad ahayn.
Mr. Muturi ayaa xusay inuu ka walaacsanahay maamulka dalka, islamarkaana uu doonaya hadii uu ku guleysto xilka madaxweyninimo uu wax ka beddeli doono hoggaanka dalka.
Xilli uu wareysi siiyay teleefishinka qaranka ee KBC, ayaa guddoomiyaha baarlamaanka dalka u jawaabay siyaasiyiin sheegay inuu yahay mashruuc dowladnimo ee ku aaddan u tartamida jagada madaxweynenimo.
Waxaa uu sheegay inuu kaliya ka walaacsan yahay maamulka dalka oo uu xusay inay tahay arrin weyn oo shacabka Kenyaanka laga doonaya aad uga fiirsadaan shakhsiga ay dooranayaan.