Taalibaan oo haweenka u ogolaatay inay jaamacadaha dhigtaan

0
382

Kooxda Taalibaan oo bartamihii bishii siddeedaad ee sanadkan la wareegtay hoggaanka dalka Afghanistan ayaa sheegtay in haweenka ay wax ka baran karaan jaamacadaha hadii ay asturan yihiin sidoo kalena ku milmin ragga.
Waxaa arrinkan shaaca ka qaaday wasiirka tacliinta sare Cabdul Baqi Haqqani.
Hal maalin ka hor ayay ahayd markii ay Taalibaan calankeeda ka taagtay madaxtooyada wadankaasi.