Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya Ku xigeenka madaxa cadaaladda oo maxkamadda dacwad u gudbisay

Ku xigeenka madaxa cadaaladda oo maxkamadda dacwad u gudbisay

Ku xigeenka madaxa cadaaladda ee dalka ahna sii hayaha xilka madaxa cadaaladda ee Kenya , Philomena Mwilu ayaa maxkamadda geysay dacwad ay kaga soo horjeeddo dhaqangelinta go’aan iyada saameynaya.
Tani ayaa timid ka dib markii maxkamad ku taalla ismaamulka Meru ay haweeneydan ka hor istaagtay inay sii hayso jagadii uu howlgabka ka noqday David Maraga .
Waxaa loo haystaa arrimo la xiriira hab-dhaqanka wanaagsan ee laga doonayo saraakiisha dowladda.
Dhanka kale madaxa xisbiga Wiper Kalonzo Musyoka ayaa difaacay Mwilu isagoo sharci darro ku tilmaamay go’aankii maxkamadeed ee Meru.
Wuxuu sheegay in marka garsoore laga hor istaagaya xafiis ay khasab tahay in arrinkan guddi loo saaro sida ku cad dastuurka dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments